​Puntland iyo Galmudug oo shir ku leh Koonfur Galkacyo

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Waxaa wali magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug si habsami leh uga socda shirka u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug kaasoo looga hadlayo amniga iyo sidii loo dhammaystiri lahaa heshiisyadii ay horey u gaareen labada dhinac.

Kulankan waxaa hormuud ka ah Madaxweyne ku-xigeennada labada maamul oo ay wehelinayaa, Xildhibaano, Wasiirro, maamullada gobolka, degmooyinka, Nabadoono, waxgarad iyo haween.

Shirka ayaa lagu lafo guryaya sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafaadka soo noq noqdey ee muddo ka taagnaa gobolka gaar ahaan xiisadii ugu dambaysay ee dhexmartay dad reer guuraa ah oo kasoo jeeda labada maamul.

Kulanka oo shalay furmay ayaa hadal ay jeediyeen labada dhinac waxay ku sheegeen in si dhab ah looga hadlo mushkiladda gobolka Mudug, hadii la doonayo in la helo xal waara.

Madaxweyne ku-xigeenada labada dhinac oo goor sii horeysay hadlayay ayaa iyaguna sheegay inay doonayaan sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dadka walaalaha ah ee ku nool gobolkan.

Isu imaatinka labad dhinac ayaa markii hore lagu qabtay dhinaca Puntland, balse maanta waxa uu ka soconayaa hotel Five Star oo ku yaalla dhinaca Galmudug, waxaana dibadda ka jooga warbaahinta, kuwasoo lagu wargaliyay in loo yeero marka uu soo dhammaado shirkaas.

Maaha markii ugu horeysay mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ay shir ku yeeshaan darafyada magaalada Galkacyo, xilli la raadinayay xalka khilaafka ka taagan gobolka Mudug.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli Madaxweynayaasha labada maamul ay ka maqanyihiin kulanka iyagoo arrintaas usoo wakiishay ku-xigeenadooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM