Puntland iyo shirkadda CCECC oo kala saxiixday heshiisyo horumarineed

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BEIJING, China - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka China ayaa magaalada Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkada CCECC.

Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Waftiga Madaxweynaha oo Ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, Biyaha iyo Macanta ayaa waxaa ay shir la qaateen Madaxda ugu sareeysa Shirkada CCECC, kulankaas oo lagu kala saxiixday fulinta mashaariic horumarineed oo ay shirkaddu ka fulin doonto Puntland,

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo dekad kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Ayl ee gobolka Nugaal, taasi oo horumarinaysa ka faa'iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, Isla markaana xoojinaysa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha.

Ugu dambayn, Weftiga Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa inta ay dalka Shiinaha ku sugan yihiin waxaa ay yeelandoonaan shirar iyo kulamo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dhinac, Isla markaa lagu tayaynayo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, waxaana uu qayb ka yahay heshiiska lagu dhisayo dekedda Kalluumaysiga degmada Eyl balanqaadyadii Madaxweyne Deni.

Puntland State House

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM