​Puntland: Jaadka oo lagu iibinayo suuqyada magaalooyinka

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa saaka deegaanada Puntland soo gaaray Jaad ka yimi dhinaca dalka Kenya kaasoo si habsami leh loogu dhex iibsanayo suuqyada waaweyn, kadib markii Puntland ka hortimid amar maanta lagu hakinayya Qaadka oo kasoo baxay dowladda Federalka Somalia.

Wariyaasha Warsidaha GO ayaa saaka tagay suuqyada Galkacyo, Garowe iyo Bosaso, waxayna soo arkeen Jaadka loo yaqaano "Miiroowga" oo lagu kala gadanayo goobihiisii caadiga ah iyadoo aysan jirin wax wal wal ah.

Qaar kamid ah dadka ka ganacsada oo su'aalo weydiiyay GO, ayaa sheegay in amarka dowladda Federalka cunoqabatayn ku yahay ganacsigooda iyagoo soo dhaweeyay tallaabada Puntland kaga hortimid go'aanka xukuumadda Somalia.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan magaalada Garowe, oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta Radio Garowe ayaa soo dhaweeyay tallaabada dowaldda Federalka Somalia ku hakisay Jaadka iyagoo ku tilmaamay Maandoori dhibaato dhaqaale iyo mid amniba ku haya waddanka Somalia.

Waxa sheegeen inuusan wax faa'iido ah u hayn bulshada iyagoo ku baaqay in go'aankaasi noqdo mid waara.

Lama oga sababta Puntland uga hortimid go'aanka dowladda Federalka ay ku joojisa Qaadka.

Arrintan ayaa timid xilli xiriirka Puntland iyo dowladda Federalka Somalia muddooyinkii dambe hagaagsanaa, balse dhowr jeer oo hore, waxay Puntland naqdisay amarro kasoo baxay dhinaca xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM