​Puntland: Koofi oo booqday Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wafdiga  Koofi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan laanta Socdaalka iyo xubno kale.

Taliyaha ayaa booqasho ku tagay qaybo kamid ah garoonka diyaaradaha Boosaaso isagoo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan.

Koofi, ayaa garoonka dhexdiisa kulan kula qaatay saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka howlgala Garoonka diyaaradaha Boosaaso iyagoo kawada hadlay arrimo la xariira qaabka ay u shaqeeyaan.

Majirto faah faahin dheeraad ah oo laga helayo socdaalka Taliyaha oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin.

Hay'adda uu Koofi Madaxda u yahay ayaa xarun ku leh magaalada Boosaaso, waxaana safarkan uu qayb ka yahay socdaalo uu horay ugu tagay xarumaha hoos yimaada ee dalka ku yaalla. Kama uusan hadlin socdaalkiisa iyo waxyaabaha uu la xariiro.

Maaha markii ugu horaysay ee uu booqasho ku yimaado mudane Koofi deegaanada Puntland tan iyo markii xafiiskan uu usoo magacaabay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM