Puntland: Laba wiil oo Jaamiciyiin ah oo lagu dilay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Labo dhalinyaro ah, oo la sheegay inay ahaayeen Jaamiciyiin ayaa xalay fiidkii lagu dilay gudaha magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso, xilli amniga gobolka Bari faraha kasii baxayo.

Labada dhalinyarada oo lagu kala magacaabi jiray Cabdirasaaq Xasan Barre iyo Cabdikariim Cabdiqaadir, ayaa waxaa lagu dilay agagaarka Hotel Huruuse Two, waxaana toogtey labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Lama ogga illaa hadda sababta ka dambeysa dilka wiilashan aqoonyahanada ahaa iyo cida dishay, waxaana saraakiisha Booliska Boosaaso ay sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan dilkooda.

Allah ha u naxariistee Cabdirisaaq iyo Cabdikariim, oo saaxibo dhaw ahaa waxay kamid ahaayeen dufcaddii 27aad ee 2018 ka qalin jabisay Jaamacadda Bariga Afrika, oo ah ka barteen Kulliyadda Maamulka iyo Maaraynta.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhalinyarada ah ee la dilay uu midkooda adeer u yahay Cabdiladhiif Yuusuf Barre oo ah ganacsade caan ka ah Puntland, kaasoo leh shirkadaha ganacsiga Jubba iyo Jubba Hotels.

Warar hoose oo uu Warsidaha Garowe Online helay ayaa sheegay in Daacish-ta ku sugan gobolka Bari ay Ganacsade Cabdiladhiif horey u waydiisay lacago canshuur ah inuu ka bixiyo ganacsigiisa, iyadoo aan la ogeyn in dilka uu kiiskaasi la xiriiro.

Garowe Online ayaa horey usoo qoray warbixin gaar ah oo ku saabsan sida ay malleeshiyada Daacish caqabad ugu tahay Ganacsiga Boosaaso, islamarkaana ay lacago baad ah uga qaado Ganacsatada. [Halkan ka akhri]

Falkan ayaa qeyb ka ah dhacdooyin amni darro oo mudooyinkii dambe ka dhacayay Boosaaso, oo ah isha dhaqaalaha Puntland, iyadoo Xukuumadda Cabdiwelii Gaas, oo mudo-xileedkeedu uga haray 3 bilood ku fashilantay inay wax ka qabato.

Kooxaha argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ku xoogeystay gobolka Bari, kana qeystay weeraradii ugu xumaa abid Taariikhda Puntland mudadii afarta sano ee uu Cabdiweli Gaas Xafiiska joogey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM