Puntland: Liiska Aqalka sare oo lagu dhawaaqay

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa hadda Ku dhawaaqday liiska xubnaha u matalaya Aqalka sare ee dowladda Federaalka Somalia.

Madaxweyne Gaas ayaa muddo ku  mashquulsanaa soda uu usoo saari lahaa xubnahan oo ka kooban 11.

Liiskan iminka la shaaciyay ayaa ka kooban 22 xubnood, waxaa ka dhex muuqda Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole iyo Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaday ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake.

Waxaa sidoo kale xusid mudan inuusan liiskan kasoo muuqan Murashax Cali Xaaji Warsame oo loo badinayay inuu ka mid noqon doono xubnaha kasoo magacaabayo.

Dadka la shaaciyay ayaa la horgayn doonaa Barlamanka si ay cod ugu qaadan islamarkaana kusoo saarsan 11 qof oo noqon doona qoondadii Puntland ka heshay Madasha Wadatashiga.

Liiskan ayaa muddo laga sugayay madaxda maamul goboleedyada iyadoo waqti loogu daray todobaadkii hore.

Guddiga doorashooyinka dadban ee her Puntland ayaa maanta mar ay hadleen codsaday in xubnaha dhakhso loogu dhawaaqo maadama soda ay sheegeen waxba qaban Karin ilaa kasoo gudbiyo iyaga iyo Ergada.

Faah faahinta warkaan goordhow fill

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM