Puntland: Ma ogolin in Somaliland Sanduuq keento Sool iyo Sanaag

Image

GAROWE, Puntland- Xukuumadda Puntland ayaa ka jawaab celisay hadal shalay kasoo yeeray wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, kasoo uu ku sheegay inay Puntland ku heshiiyeen inaysan Carqaladayn codbixinta doorashada ka dhacaysa gobollada Sool iyo Sanaag. Halkan ka akhriso

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi  Cali Qarjab oo dadweynaha kala hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa beeniyay hadalkaas kasoo yeeray dhigooda Somaliland.

"Hadal kasoo yeeray shalay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu ku sheegay in Puntland heshiis kula galeen in doorasho ka dhacdo Sool iyo Sanaag, waa waxba kama jiraan, " Ayuu yiri Qarjab.

Qarjab, ayaa intaas ku daray inaysan ogolaan doonin in maamulka Somaliland uu codayn iyo doorashaba ka sameeyo gobolladaas.

Wasiirka ayaa wacad ku maray inay difaaci doonaan dhulkooda islamarkaana aysan u dul qaadan doonin faragalin kaga timaada Somaliland.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in wixii ka yimaada faragalintaas mas'uuliyadeeda ay qaadan doonto xukuumadda Hargaysa.

Cabdi Xirsi ayaa sidoo kale xusay in Puntland aysan cidna duullaan ku ahayn islamarkaana diyaar u ahayn colaad ka hurta gobolladaas, balse ay tahay waajib saaran inay dhulkeeda daafacdo.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Faratoon uu daaha ka qaaday inay kawada hadleen Madaxda Puntland doorashadaas iyo sidii ay ugu dhici lahayd Nabadgalyo, isagoo intaas sii raaciyay inay ka heshiiyeen xaalada gobolladaas.

Gobollada Sool, Sanaag iyo Cay oo labada maamul midba dhinaciisa sheegto ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaallo ka dhashay sanaadiiqda Codbixinta Doorashada Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM