Puntland: Ma ogolin in Somaliland Sanduuq keento Sool iyo Sanaag

Image

GAROWE, Puntland- Xukuumadda Puntland ayaa ka jawaab celisay hadal shalay kasoo yeeray wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, kasoo uu ku sheegay inay Puntland ku heshiiyeen inaysan Carqaladayn codbixinta doorashada ka dhacaysa gobollada Sool iyo Sanaag. Halkan ka akhriso

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi  Cali Qarjab oo dadweynaha kala hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa beeniyay hadalkaas kasoo yeeray dhigooda Somaliland.

"Hadal kasoo yeeray shalay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo uu ku sheegay in Puntland heshiis kula galeen in doorasho ka dhacdo Sool iyo Sanaag, waa waxba kama jiraan, " Ayuu yiri Qarjab.

Qarjab, ayaa intaas ku daray inaysan ogolaan doonin in maamulka Somaliland uu codayn iyo doorashaba ka sameeyo gobolladaas.

Wasiirka ayaa wacad ku maray inay difaaci doonaan dhulkooda islamarkaana aysan u dul qaadan doonin faragalin kaga timaada Somaliland.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in wixii ka yimaada faragalintaas mas'uuliyadeeda ay qaadan doonto xukuumadda Hargaysa.

Cabdi Xirsi ayaa sidoo kale xusay in Puntland aysan cidna duullaan ku ahayn islamarkaana diyaar u ahayn colaad ka hurta gobolladaas, balse ay tahay waajib saaran inay dhulkeeda daafacdo.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Faratoon uu daaha ka qaaday inay kawada hadleen Madaxda Puntland doorashadaas iyo sidii ay ugu dhici lahayd Nabadgalyo, isagoo intaas sii raaciyay inay ka heshiiyeen xaalada gobolladaas.

Gobollada Sool, Sanaag iyo Cay oo labada maamul midba dhinaciisa sheegto ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay dagaallo ka dhashay sanaadiiqda Codbixinta Doorashada Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM