​Somaliland: Wasiir Faratoon "Puntland waan ka heshiinay inaysan carqaladayn doorashadeena"

Image

LAASCAANO, Somalia- Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo kamid ahaa wafdi soo gaaray degmada Laascaano ee xarunta gobolka Sool ayaa si adag uga hadlay arrimo ku saabsan doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas isu diyaarinayo.

Faratoon oo si gaar ah diiradda u saarayay xaaladda gobolkaas ayaa sheegay in lagasoo baxay waqtigii danaha dadka dega deegaanadaas ay u hoos fariisan jireen cid aan dan u hayn, isagoo ugu baaqay shacabka  inay ka qayb qaataan doorashada Somaliland islamarkaana iska diiwaangaliyaan goobaha codbixinta.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in gacan bir ah ku qaban doonaan Amniga oo ay ka hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda inay carqaladayso codbixinta iyo qaadashada kaararka doorashada.

Isagoo ka hadlayay xaflad maanta 10 Augost, 2017 ka dhacday magaalada Laascaano ayuu Wasiir Faratoon shaaca kaga qaaday hishiis uu sheegay inay wada gaareen madaxda maamulka Puntland oo ku saabsanaa inaysan soo faragashan arrimaha kasocda gobollada muranku ka taaganyahay.

"Walaalahayaga deegaanka Puntland waxaan u sheegaynaa oo aan kawada hadalnay oo aan si weyn isaga afgaranay dhawaan mar aan is-aragnay inay arrintaas ilaaliyaan oo inta mudada diiwaangalinta ku jirno aysan dhicin sidii horay u dhici jirtay oo ay na carqaladeeyaan," Ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wuxuu ku hanjabay in cid kasta oo isku dayda inay arrintan gacmaha lasoo gasho gacan bir ah ku qaban doonaan islamarkaana ugu tagi doonaan goob kasta oo ay ku suganyihiin isagoo si gaar ah u durayay koox uu sheegay inay falaagoobeen oo ay ku suganyihiin gobollada dhanka Bariga Somaliland.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Puntland oo khuseeya arrintaas iyo waliba sida ay u arkaan sanaadiiqda doorashada oo la geeyay qaar kamid ah deegaanada gobolka Sool.

Dhowr jeer oo hore qalalaaso sababay gacan ka hadal ayaa ka dhashay sanaadiiqda codbixinta maamulka Somaliland uu geeray gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Maamulka uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas, ayaa u muuqda mid faraha ka laabtay gobolladaas oo dastuurka Puntland uu dhigayo inay katirsanyihiin Puntland.

Gaas ayaa waqtigii doorashada ololeha ku galay inuu soo celin doono dhammaan gobollada ka maqan gacanta Puntland.

Dhawaan golaha Barlamanka Puntland ayaa Kalfadhigooda 39aad ku gorfeeyay gobolladaas iyagoo qaybtood soo jeediyay in laga saaro dastuurka hadii aan waxba laga qaban karin xaaladooda.

Barlamanka ayaa doodaas kadib riday xukuumaddii waqtigaas jirtay inkastoo badankooda dib loo soo celiyay oo Khamiistii lasiiyay kalsoonida Xildhibaanada.

HALKAAN KA DAAWO

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM