​Puntland "Maanta laga bilaabo waa xirantahay xuduudeenu" [Dhagayso]

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Dowladda Puntland ayaa maanta hirgalisay wareegto dhawan kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Camay, kaasoo laamaha ammaanka lagu farayay inay baaritaan ku sameeyaan gawaarida kasoo galaysa Koonfurta Somalia intaysan usoo gudbin gudaha maamulkaasi.

Shir jaraa'id oo magaalada Galkacyo warbaahinta ugu qabtay Afhayeenka xukuumadda Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel, ayaa ku sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 01 September, 2016 ay xirantahay xuduuda Puntland isagoo sheegay in laamaha ammaanku uga howlgalayaan sidii loogu talo galay.

Quraan Jecel ayaa u digay gawaarida iyo ganacsatada iska leh kuwaasoo ugu baaqay inay u hogaansamaan ammarka dowladda, isagoo ciddi hareer marta ku sifeeyay kooxo u adeega Al Shabaab.

Wuxuu xusay in qorshahan uusan ahayn mid lagu kala dhantaalayo isu socodka bulsha, balse wuxuu sheegay in lagu adkaynayo ammaanka.

Hadalkan ayaa yimi xilli  maanta Kantaroolada magaalada Galkacyo lagu heliyay gawaari xammuul siday kuwaasoo u socday Puntland iyo Koonfurta Somalia.

Arrintan waxaa horay walaac uga muujiyay ganacsatada iyo maamulka Galmudug, balse waxaa goor sii horaysay tallaabadaasi ganafka ku dhuntay Camay oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magaalada Galkacyo, isagoo sheegay inaysan gor-gortan amniga Puntland cidna kala gali doonin.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM