Puntland: Madaxii qaybta ganacsiga shirkada Golis oo shil gaari ku dhintey

Image
Image
Image
Image

GAROWE: Madaxii qaybta ganacsiga ee shirkada taleefanada ee Golis Cumar Ciise Maxamad (Cumar Faruuq) ayaa maanta shil baabuur ku dhintey.

Cumar Faruuq AHN waxaa shilkaa naxdinta leh kula dhintey wiilkiisa iyadoo wararku sheegayaan in dhaawacyo soo gaareen xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa.

Madaxa shirkada ayaa wararka hordhaca ee kasoo baxaya shilkaan ay sheegayaan in baabuurkaan kula dhacey goob ku dhow kontrolka dhinaca Woqooyi looga baxo magalaada Garowe. 

Cumar Faruuq oo ahaa shaqsi bulshada Puntland magac wanagsan ku lahaa aadna dadku u jeclaa ayaa lagu xussuusan doonaa  doorka muhiimka ah uu ka  qaadan jirey arimaha lagu taakuleynayo bulshada kuwooda danyarta ah iyo isagoo qayb wanaagsan ka qaadan jirey arimaha suluxa kuwasoo la dhexdhigayo dadka walaalaha ah ee wada daga Puntland.

Cumar ayaa ka shaqeyn jirey nabada isagoo ka hormarin jirey wax walba jiritaanka iyo nabad kuwada noolashaha dadka reer Puntland isagoo mar walba kula dardaarmi jirey in muhiim tahay in kala dambeynta ahaato mid muhiimad gaar ah la siiyo.

Dhinaca kale waxa si ba'an u tabaya geerida naxdinta leh ee ku timid  AHN Cumar Faruuq  shirkada taleefanada oo uu muddo badan ka shaqeynayey waxaana u ahaa isku xiraha bulshada iyo Golis.


Dhamaan tafatirayaasha iyo shaqaalaha warsidaha Garowe online/ Radio Garowe waxay tacsi u dirayaan shacabka Puntland gaar ahaan ehelkiisa, waxaan leenahay ilaahey ha ka waraabiyo marxuumka Janatul  Fardowzo Samir iyo imaana ha Naga wada siiyo.Aamiin Amiin.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM