Puntland: Madaxii qaybta ganacsiga shirkada Golis oo shil gaari ku dhintey

Image
Image
Image
Image

GAROWE: Madaxii qaybta ganacsiga ee shirkada taleefanada ee Golis Cumar Ciise Maxamad (Cumar Faruuq) ayaa maanta shil baabuur ku dhintey.

Cumar Faruuq AHN waxaa shilkaa naxdinta leh kula dhintey wiilkiisa iyadoo wararku sheegayaan in dhaawacyo soo gaareen xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa.

Madaxa shirkada ayaa wararka hordhaca ee kasoo baxaya shilkaan ay sheegayaan in baabuurkaan kula dhacey goob ku dhow kontrolka dhinaca Woqooyi looga baxo magalaada Garowe. 

Cumar Faruuq oo ahaa shaqsi bulshada Puntland magac wanagsan ku lahaa aadna dadku u jeclaa ayaa lagu xussuusan doonaa  doorka muhiimka ah uu ka  qaadan jirey arimaha lagu taakuleynayo bulshada kuwooda danyarta ah iyo isagoo qayb wanaagsan ka qaadan jirey arimaha suluxa kuwasoo la dhexdhigayo dadka walaalaha ah ee wada daga Puntland.

Cumar ayaa ka shaqeyn jirey nabada isagoo ka hormarin jirey wax walba jiritaanka iyo nabad kuwada noolashaha dadka reer Puntland isagoo mar walba kula dardaarmi jirey in muhiim tahay in kala dambeynta ahaato mid muhiimad gaar ah la siiyo.

Dhinaca kale waxa si ba'an u tabaya geerida naxdinta leh ee ku timid  AHN Cumar Faruuq  shirkada taleefanada oo uu muddo badan ka shaqeynayey waxaana u ahaa isku xiraha bulshada iyo Golis.


Dhamaan tafatirayaasha iyo shaqaalaha warsidaha Garowe online/ Radio Garowe waxay tacsi u dirayaan shacabka Puntland gaar ahaan ehelkiisa, waxaan leenahay ilaahey ha ka waraabiyo marxuumka Janatul  Fardowzo Samir iyo imaana ha Naga wada siiyo.Aamiin Amiin.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM