Puntland: Madaxweynaha oo aan ka hadlin xaaladda Boosaaso xilli uu Garoowe yimid

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Garoowe, kadib safaro maalmo qaatay oo ku joogay Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Soo dhaweyn kadib Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in safarka ay ku tageen dalka Ethiopia isaga iyo weftigiisu uu haa casumaad rasmi ah oo ay ka heleen Ra’iisul Wasaaraha waddankaas, iyagoo kawada hadlayay arrimo ku saabsan iskaashiga ganacsi, dhaqalaha, amniga iyo sidii laysaga garabsan lahaa soo afjaridda cadawga labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in mas'uuliyiinta Ethiopia ay kawadahadleen fududaynta isusocodka shacabka labadadhinac, ganacsiga iyo adkaynta amaanka xuduuddaha Puntland iyo Ethiopia.

“Waxaanu kawada hadalnay in la fududeeyo isusocodka dadka iyo ganacsiga Puntland iyo Ethiopia, waxaanu aragnay Madaxdiidalkaasi u saraysey oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Etiopia iyo qaar kamid ah Wasiirada dalkaasi, waxaan is leeyahay safar-kaasi wuxuu ahaa safar Puntland guul u ah, Ethiopia-na guul u ah, wuxuu muujinayey baahida labada dhinac oo ay kamid yihiin ganacsiga iyo amniga, waxaanna is leeyahay safar-kaasi wuxuu kusoo dhammaaday guul nabadbaanna kusoolaabanay”ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Imaanshaha Madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmay xilli ay cakirantahay xaaladda magaalada Boosaaso, taasoo ay ka jirto is-maandhaaf u dhaxeeya ganacsatada iyo dowladda. Gaas shirkiisa jaraa'id kuma soo qaadin arrimaha kasoo cusboonaaday gobolka Bari, inkastoo goor sii horaysay uu sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay la xaajooto ganacsatada halka uu dad aan hormar rabin ku tilmaamay shakhsiyaadka qalalaasaha ka wada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM