​Puntland: Madaxweyne Gaas oo dhawaan ku dhawaaqaya xubnaha Aqalka Sare

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii uu usoo magacaabi lahaa xubnaha Puntland u matalaya Aqalka sare ee dowladda Federalka Somalia.

Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas, kulamo la yeeshay ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Camay iyo Afhayeenka Barlamanka Axmed Cali Xaashi.

Gaas ayaa madaxdan, kala tashanayay qaabkii loo soo xuli lahaa xubnahan oo muddo laga dhowrayay hogaanka Puntland iyo sidii uu uga tallaabsan lahaa culayso haysta.

Xogta uu helay GO, ayaa sheegaysa in madaxweyne Gaas haystaan cadaadis kaga imaanaya dhanka qaabaa'ilka iyo shakhsiyaad ay wataan kuwaasoo uu horay ugu sameeyay ballanqadyo ku aadan inuu kusoo dari doono liiska Aqalka sare.

Warar hoose, ayaa sheegaya inuu damacsanyahay qorshe uu ku tartansiinayo beelaha isagoo soo magacaabi doona 22 ruux kuwaasoo loo gudbin doono Barlamanka Puntland si ay cod ugu qaadaan islamarkaana looga soo xulo 11 kii rasmiga ahaa ee maamulka Puntland u matalayay Aqalka sare.

Waxaa xusid mudan inuu jiro kala aragti duwanaan ka taagan qaabka loo soo xulayo dadkan, balse tallaabadaas ayaa Gaas doonayaa inuu ku qanciyo dadkii uu horay ballanqaadka ugu sameeyay.

Khilaaf xoogleh ayaa arrintan ka taagnaa muddooyinkii dambe iyadoo magaalooyinka waaweyne ee Puntland lagu qabanayay munaasabado lagu shaacinayay shakhsiyaad u sharaxan Aqalka sare ee Puntland.

Go'aanka soo bixi doona ayaa walaac xoog leh laga muujinayaa iyadoo laga cabsi qabo inuu abuuro buuq ka imaanaya dhinacyada sugaya in madaxweyen Gaas kusoo daro liiska Aqalka Sare.

Puntland ayaa 11 xubnood ka heshay Aqalka saree ee Barlamanka Somalia, waxaana cadaadis ka imaanaya dhinaca waqtiga loo asteeyay in lagusoo gudbiyo liisaska maamullada, maadama muddo kooban ka hartay doorashada waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM