​Puntland: Madaxweyne Gaas oo dhawaan ku dhawaaqaya xubnaha Aqalka Sare

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii uu usoo magacaabi lahaa xubnaha Puntland u matalaya Aqalka sare ee dowladda Federalka Somalia.

Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas, kulamo la yeeshay ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Camay iyo Afhayeenka Barlamanka Axmed Cali Xaashi.

Gaas ayaa madaxdan, kala tashanayay qaabkii loo soo xuli lahaa xubnahan oo muddo laga dhowrayay hogaanka Puntland iyo sidii uu uga tallaabsan lahaa culayso haysta.

Xogta uu helay GO, ayaa sheegaysa in madaxweyne Gaas haystaan cadaadis kaga imaanaya dhanka qaabaa'ilka iyo shakhsiyaad ay wataan kuwaasoo uu horay ugu sameeyay ballanqadyo ku aadan inuu kusoo dari doono liiska Aqalka sare.

Warar hoose, ayaa sheegaya inuu damacsanyahay qorshe uu ku tartansiinayo beelaha isagoo soo magacaabi doona 22 ruux kuwaasoo loo gudbin doono Barlamanka Puntland si ay cod ugu qaadaan islamarkaana looga soo xulo 11 kii rasmiga ahaa ee maamulka Puntland u matalayay Aqalka sare.

Waxaa xusid mudan inuu jiro kala aragti duwanaan ka taagan qaabka loo soo xulayo dadkan, balse tallaabadaas ayaa Gaas doonayaa inuu ku qanciyo dadkii uu horay ballanqaadka ugu sameeyay.

Khilaaf xoogleh ayaa arrintan ka taagnaa muddooyinkii dambe iyadoo magaalooyinka waaweyne ee Puntland lagu qabanayay munaasabado lagu shaacinayay shakhsiyaad u sharaxan Aqalka sare ee Puntland.

Go'aanka soo bixi doona ayaa walaac xoog leh laga muujinayaa iyadoo laga cabsi qabo inuu abuuro buuq ka imaanaya dhinacyada sugaya in madaxweyen Gaas kusoo daro liiska Aqalka Sare.

Puntland ayaa 11 xubnood ka heshay Aqalka saree ee Barlamanka Somalia, waxaana cadaadis ka imaanaya dhinaca waqtiga loo asteeyay in lagusoo gudbiyo liisaska maamullada, maadama muddo kooban ka hartay doorashada waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM