Puntland: Madaxweyne Gaas oo magacaabay Wasiiro Cusub

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] ayaa maanta magacaabay wasiiro cusub, xilli maamulkiisa uu la dagay musuq-maasuq mas'uuliyiin xilal looga qaaday.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalyumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Daahir Xaaji Khaliif, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka, halka Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda ee Puntland.

Wasiirka cusub ee Beeraha Puntland ayaa bedelaya Cabdinuur Cilmi Maxamuud oo magaalada Muqdisho ku geeriyoodey bishii January ee sanadkan.

Masuuliyiinta la magacaabay ayaa lagu wadaa inay la wareegaan xafiisyadda maalmaha soo socda.

Magacaabistan ayaa timid kadib markii horaantii bishan uu Madaxweyne Gaas xilalkii ka qaaday 7 Sargaal oo katirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo musuq-maasuq lagu eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM