​Puntland: Moorgan oo looga guulaystay doorashada Aqalka Sare [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa socota wareegga labaad doorashada Xildhibaanada ay ugu codaynayaan murashaxiinta Aqalka Sare Barlamanka Federaalka ee matalay dowladd goboleedka Puntland.

Waxaa goor dhaweyd loo codeeyay murashaxiin kala duwan oo rag iyo dumar isugu jira, waxaana Kursiga 6aad ku guulaystay Mahad Sheekh Nuur oo helay codada gaaraya 36 cod, halka ninka la tartamayay Cabdixakiim Axmed Xaashi  uu helay 29 cod.

Kursiga 7aad, oo ay ku tartamayeen haweenk qura, waxaana booskaasi kusoo baxday Hodan Maxamud Cusmaan 35, halka Basra Maxamuud Geelle u codeeyeen 30 mudane.

Generaal Maxamed Siciid Moorgan oo aad loo saadilinayya inuu kusoo baxo doorashada Aqalka Sare, ayaa waayay kalsoonida Barlamanka Puntland, waxaana kursiga 8aad loo codeeyay Bootaan Barre Bootaan oo helay 38 cod, halka Morgan uu helay 27 cod.

Waxaa loo baxay salaadda Casar iyo qadar 30 daqiiqo ah dib la isugu soo laabtan doono

Natiijada markasta kala soco Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM