​Puntland: Murashaxiin ku guulaystay Aqalka sare iyo doorashada oo socota [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta kasoo qayb galay doorashada Aqalka Sare ee Barlamanka Federalaalka Somalia xubnaha u matalaya Puntland taasoo si rasmi ah uga socota hoolka golaha shacabka Puntland ee magaalada Garowe.

Xildhibaanada, ayaa cod u qaadaya 11-ka kursi ee Puntland ka heshay Aqalka Sare, waxaana hadda la doortay 5 kamid ah kuwaasoo qaybtood kusoo baxeen codad sare, halka siyaasiyiin caan ah qiil qiil galeen iyagoo ku guulaystay hal cod.

Doorashada oo u dhacaysa qaab qarsoodi ah, ayaa waxaa codaynaya 65 mudane oo ay ku jiraan Guddoonka Barlamanka.

Barlamanka Puntland, ayaa qaabkan hoose ugu codeeyay murashaxiinta u taagnaa Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Kursiga 1aad

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo helay 47

Aamino Aadan Cabdullaahi, waxay heshay 17

Waxaa xumaaday 1 cod

Kursiga 2aad

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, oo helay 59 cod

Cabdi Mahdi Abshir, wuxuu helay 5 cod,

Hal codna waa xumaaday

Kursiga 3aad

Cabdirasaaq Xasan Cismaan Juriile, oo helay 33 cod

Hodan Ismaaciil, oo heshay 32 cod

Kursiga 4aad

Farxaan Cali Xuseen 36

Cali Ismaaciil Cabdi  Giir, wuxuu helay 29

Kursiga 5aad

Cabdisalaam Xaaji Maxamuud Dh eere 50

Faarax Cawad Jaamac 25

Waxaa, hadda loo baxay tukashada Salaadda iyadoo dib la isug soo noqon doon 1 saac kadib.

Isha ku haya Garowe Online, oo idiin soo gudbin doona doorashada xubnaha Aqalka Sare ee matala Puntland.

Abdirazak Hayir / GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM