Puntland oo ka hadashay qaraxii Galkacayo 24 saac kadib [ Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Galkacayo: Ku simaha Madaxwaynaha ahna Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Camey, oo gaaray magaalada Gaalkacyo maanta ayaa  saxaafada uga waray khasaaraha qaraxii  shalay ka dhacay xarunta gobolka Mudug Iyo dadkii  bartilmaameedku ahaa.

Camay oo kormeer ku marey goobtu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in falkaasi loola danlahaa in lagu khaarajiyo wasiiro katirsan dowladda Puntland oo goobtaasi ku suganaa, isla markaana shir uga socday halkaas balse ka badbaadeen.

Madaxwayne ku-xigeenku waxaa uu cadeeyay in dalka dibadiisa loo qaadi doono dadkii dhaawacmay, isagoona baaq u diray shacabka Puntland.

Hadalka Madaxeyne ku xigeenka Puntland ayaa imaanaya 24 saac kadib qaraxii Ka dhacey magaalada Galkacayo maalintii shaley kaasoo isaga aamuseen madaxda maamulkaas intiisa Badan. 

Madaxeynaha Puntland oo laga sugayey magalaada Galkacayo ayaa la filayaa inuu Ka baaqsado inuu tago magaladaas isagoo la sheegey inuu soo dirayo diyaarad qaada dadka dhaawac kasoo gaarey qaraxaas.

Gaas ayaa la filayaa in dalka Ethiopia uga sii ambabaxo dalka Turkiga halkasoo la sheegey inuu ka hasto casumaad madax goboleed ka tirsan wadankaas.

HALKAN KA DHAGEYSO MADAXWEYNE KU XIGEENKA OO KA HADLAY QARAXA

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM