Puntland oo Askar ku wareejisay dowladda Soomaaliya [Dhageyso]

Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku wareejisay 2,400 oo Askari oo ku biiraya ciidamada qaranka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka isku-dhafka ciidamada.

Munaasabada Wareejinta ciidamada oo ka dhacday xerada 54-aad ee magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Cameey, Taliyaha ciidamada Puntland Jeneraalka Saciid Maxamed Xirsi [Saciid Dheere], Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga dowladda Federaalka, Sadiiq Warfaa oo xubin ka ah gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya.

Camey ayaa Askarta ku wareejiyay wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, isagoo xusay in ay yihiin qoondadii loogu tala galay Puntland, kuwaasi oo wixii hadda ka dambeeya mas'uuliyadda xuquuqdooda iyo mushaaraadka ay ku wareegtay dowladda Federaalka.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Puntland inay kusoo wareejisay dowladda dhexe qeybteeda laga doonayay ee isku-dhafka ciidamada dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Taliyaha ciidamada difaaca Puntland, Saciid Dheere ayaa dhankiisa sheegay in Askarta ay ku wareejiyeen Wasaaradda difaaca Soomaaliya inay ka yimaadeen ciidanka xoogga Puntland, gaar ahaan Daraawiishta ee ku jira xeryaha iyo jiida hore ee dagaalka oo dhexdooda laga soo xulay.

Sadiiq Warfaa, oo ah xoghayaha gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, oo hadlay isna ayaa ugu baaqay ciidamada lagu biiriyay xoogga dalka in ay iska ilaaliyaan ka qeyb-qaadashada dagaal beeleedyada.

Puntland ayaa noqonaysa maamulkii ugu dambeeyay ee wareejiya ciidamo ay qoreysay dowladda dhexe taasi oo qorshu yahay in la sameeyo ciidamo qaran oo laga soo xulay dhamaan maamul goboleedyada, oo midkiiba keenay 3,000 oo Askari.

Dhanka kale, Gollaha Wasiirada Xukuumadda Puntland, ayaa shirkoodii Todobaadlaha ahaa waxay uga hadleen arrimaha amniga iyo firxadka Al Shabaab ee kasoo cararaya duqeymaha Koonfurta ka socda, ee isku dayaya inay soo gaaraan deegaanada Puntland.

Hoos ka akhriso War Saxaafadeed:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM