Puntland oo baaq ku aadan doorashadda maamulada u dirtay DF

Image

GAROWE, Puntland - War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha Puntland ayaa looga hadlay habraaca ay xukuumada federaalka u sameysay doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland.

Habraacaasi ayaa wuxuu farayaa maamulka Jubbaland in doorashada ay ka qabsoonto midkood Akadeemiyada Booliska ama xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Kismaayo.

Hasa ahaatee, maamulka Axmed Madoobe oo ku tartarsiiyey dowladda in ay faraha kala baxdo doorashada maamulkaasi ayaa xusay in guddiga heer gobol uu maamulayo.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, Puntland ayaa waxay uga digtay dowlada federaalka ah "farogelinta qaawan" ee ay ku sameyneyso cod-bixinta maamul goboleedyadaasi.

Dowladda Puntland ayaa soo jeedisay in lagu dhaqmo lana dhowro dastuurka dalka u degan, kaasoo qeexaya awoodaha maamulada iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Doorashada Jubbaland ayaa loo madal-san yahay in ay qabsoonto bisha Agoosto 24-keeda xili ay haatan socoto soo xulista Xildhibaanada cusub ee dooranaya gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM