Puntland oo ciidamo waydiisatey Galan, saameynta Fu'aad Xanaano dagaalka Sanaag
GAROWE-Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in xubno sar-sare oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Gaas Iyo saraakiisha ciidamada Puntland ay gudoomiyahii hore ee gobolka Barri Cabsimad- Galan oo ciidamo ku haysta degaanada Barriga ah ka codsadeen maalintii shaley 18 July, 2016 inuu ku soo biiro gurmadka loogu jiro difaacida gobolka Sanaag.
Wararkaan ayaa shegaya in Gudoomiye Galan uu ka cududaartey codsigaas isaga oo sheegey in ciidanka uu hayo yihiin kuwo Qabiil arinkuna hadda joogin in beelaha loogu yeero difaaca Puntland.
Galan oo khilaaf siyaasdeed ka dhexeeyo xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa ciidamo beleedyo ku haysta degaanada Barriga Fog ee Puntland.
Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa horey ugu yeertey in gudoomiyahii hore iyo cidanka uu haysto yihiin kuwa Burcad badeedka xiriir la leh islamarkaana ay ku jiraan xubno argagixisada la leh xiriir, edeyntaas oo uu beeniyey Galan.
Waxaa socda Waan-Waan ka dhex socota xukuumada Madaxwyne Gaas iyo Galan taasoo ay garwadeen ka yihiin culumaa'udiinka Puntland.
----Dagaalka gobolka Sanaag
Gobolka Sanaag ayaa waxaa ciidamo u soo direy dowlada Somaliland kuwasoo la socda Wasiiro kasoo jeeda degaanadaas oo raba iney diiwan galinta doorashada ka hirgaliyaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan.
Xukumada Madaxweyne Gaas ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan olalahaan diiwaan-galinka Somaliland ku baraarugtey iyadoo siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan ugu diyaargaroobin qaabkii ay kaga hortagi laheyd barnaamijkaas.
Wasiirada ka tirsan xukuumada Madaxwyne Gaas ayaa markii xubno ka tirsan golaha fulinta Somaliland soo galayeen magaalo madaxyada gobolka Sanaag iyo Highland [ Baran iyo Dhahar] banaanka ka joogey halka ciidmada Puntland aysan heegan buuxa kaga jirin abaabulka ciidan ee Somaliland.
Ciidamada dagaalka maalintii shaley kaga hortagey Degaanka Booda-Cade xoogaga Somaliland ayaa waxaa hogaaminyey Ninka la yiraahdo Fu'aad Warsame Xanaano.
Fu'aad Xanaano ayaa waxaa Ka amarqaata maleeshiyo beleedyo kasoo jeeda gobolka Sanaag kuwasoo dhowaan Wasiiro ka tirsan xukuumada Madaxweyne Gaas ku soo dareen ciidamada Puntland.
Waa kuma Fu'aad Xanaano?
Fu'aad Xanaano ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay ka tirsanaan jirey Burcad badeedka Maraakiibtii ka qaybsan jirtey xeebaha Puntland gaar ahaan degaanka Laas-qorey isagoo lagu xirey Puntland iyo Dalka Yamen.
Xanaano ayaa kamid ah xubno Burcad badeed ah oo hay'ada qaramada Midoobey UN monitoring horey ugu soo saartey warbixintooda.
Madaxweyne Gaas ayaa ogolaadey in Fu'aad Xanaano Iyo hubka uu sida gaarka u leeyahay ayaa ka qayb galey dagaalkii Puntland magaalada Galkacayo kula gashey maamulka Galmudug, waxaana gobolka Sanaag ka keeney sarkaal ka tirsan xafiiska madaxtooyada Garowe.
Dhinaca kale Fu'aad Xanaano ayaa ka qayb galey dagaalkii ciidamada Puntland kaga hortageen kooxda Al shabaab ku soo qaadeen xeebaha Garacad iyo Garmaal.
Taliyaha maleeshiyaadkaan ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay khilaaf soo kala dhexgaley maaxweyne Gaas kadib dagaalkii Xeebaha Puntland.
Khilaafkaan ayaa wararku sheegayaan inuu salka ku hayey kadib markii Madaxweyne Gaas kasoo bixi waayey balamo uu la galey Fu'aad Xanaano.
Wararka ayaa sheegaya in Xanaano uu raadinayey in xubin ka noqdo golaha wasiirada Puntland iyo gadiid dagaal oo loo dayactiri waayey taasoo Madaxwyne Gaas ka war-wareegey sababo la xiriira taariikhda Fu'aad Xanaano.
Fu'aad Xanaano ayaa khilaafka soo kala dhexgaley maaxweyne Gaas dartiis caro ahaan ugu maqnaa gobolka Sanaag halkasoo warar sheegayaan in wadahadalo kula lahaa maamulka Somaliland.
Warsidaha Garowe ayaa fahansan in waahadalka uu la lahaa maamulka Somaliland guul-daro ku dhamaadey kadib markii ay diideen codsiga Xannano.
Xanaano ayaa ka codsadey Somaliland in maamulkooda kamid noqdo taasoo ay diideen balse u soo bandhigeen in ka iibinayaan hubka uu haysto. Fu'aad Xanaano ayaa hubka uu haysto iibsadey xiligii uu ka tirsanaa Burcad badeedka.
Xogta ayaa sheegeysa in dagaalka maalintii shaley 18 July, 2016 ka dhacey gobolka Sanaag Madaxwyne Gaas ka codsadey in Xanaano ka qayb qaato howgalkaan isagoo balan qaadey inuu fulinayo balamadii uu horey u galey.
" Maaxweynaha Gaas ma dhiso mana dhaqaaleeyo ciidamada Puntland xilliga nabada ah, waana midda keentey inuu howl galiyo maleeshiyo beeleedyo xilliga colaada" sidaa waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo diidey magaciisa.
Talefishinka ku hadla afka dowlada Puntland ayaa barnaamij uu maalintii shaley ka sameeyey dagaalkii ka dhacey Degaanka Boode-Cade oo 30 Km dhinaca Woqooyi kaga began magaalada Dhahar waxaa uu tilmaamay in ciidamada Puntland guulo kasoo hoyeen dagaalkaas isagoo warbixintiisa kasoo gudbiyey Fu'aad Xanaano. Halkan Ka Daawo Warbixjnta Tv
Talefishinka Puntland ayaa ku tilmaamay in Fu'aad Xanano yahay taliyaha ciidamada Puntland aaga Dhahar.
Puntland TV ayaa gabi ahaanba Muujin in saraakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland howlgalkaas qayb ka ahaayeen.
Taliyaha guud ee ciidamada Darawiishta Gobolka Sanaag ayaa waxaa dowlada Puntland ugu magacaaban Cabdulahi Cumar Cashuur iyada oo wararku sheeegayaan inuu ku sugnaa aagaas marka PLtv wareysiga ka qaadayo Fu'aad Xanaano.
GAROWEONLINE