​Puntland oo dar-dargalinaysa tayaynta shaqaalaha dowladda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland, oo safar muddooyinkan ku marayay qaar kamid ah waddamada Geeska Afrika, ayaa maanta kulan ku qaatay Jaamacadda Shaqaalaha dowladda Ethiopia ee magaalada Addis Ababa.

Kulankan, ayaa looga hadlayay sidii la isu dhaafsan lahaa khibradda tayaynta shaqaalaha, waxaana wafdiga xukuumadda Puntland ku wehelinayay mas'uuliyiin kasocota jaamacadda PSU.

Shirkan ayaa lagu go'aamiyay in la mideeyo labada jaamacadood ee kala ah; PSU iyo Jaamacadda Shaqaalaha dowladda Ethiopia.

Jaamacaddan ay booqdeen wafdigu waxaa sidoo la sheegay inay dhigtaan ilaa 30 kamid ah shaqaalaha dowladda kuwaasi oo dhigta heerarka kala duwan ee Jaamacadda.

Wafdigan ayaa horay u tagay dalalka Kenya iyo Tanzania, waxayna kulamo kula soo qaatay mas'uuliyiin kala duwan iyo hay'adaha shaqaalaha dowladda.

Socdaalkan, ayaana qayb ka ah dadaalka xukuumaddu ku doonayso inay ku tayayso shaqaalaha dowladda iyadoo ay taageerayo Bangiga Adduunka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM