Puntland oo Garoomadeeda u fasaxday Gargaarka Baladweyne

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay masiibada ka taagan degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay saamaysay fatahaadda wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Camey ayaa shir saxaafadeedkiisa ku sheegay inay tacsi u dirayaan dhammaan shacabka maamulka HirShabeelle gaar ahaan dadkii waxyeelladu kasoo gaartay masiibadaas, isagoo intaas raaciyay inay garab siin doonaan.

“Waxaan Tacsi u dirayaa shacabka HirShabeelle iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ay saamaysay masiibada ka taagan Baladweyne,” ayuu yiri Camey.

Wuxuu baaq u diray shacabka Puntland oo uu ka codsaday inay ka qayb qaataan gurmadka loo samaynayo shacabka magaalada Baladweyne.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay inay u fasaxeen garoomada diyaaradaha cid kasta oo shixnad caawimaad ah u siday maamulka HirShabeelle.

“Hadaanu nahay reer Puntland, waxaanu samaynay in la isticmaali karo Garoomada diyaaradaha iyadoo aanu ognahay in roobkii uu qooyay fatahaadii ka dhacday Baladweyne,” sidaas waxaa sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Hadalkan Camey ayaa kusoo aaday xilli xaalad adag ka taagan tahay magaalada Baladweyne islamarkaana uu socdo dedaalo dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku ku raadinayso inay ku samata bixiso shacabka HirShabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM