​Puntland oo gubtay Lacag ka badan 600 Malyan

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Waxaa maanta duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu gubay lacag shilling Soomaali been abuur ah taasoo ay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka ee gobolkaas.

Lacagtaan oo goob fagaare ah dab lagu qabad siiyay ayaa gaaraysay sida mas'uuliyiinta Bangiga dhexe sheegeen  600,500,000 [Lix boqol oo malyan iyo shan boqol oo kun].

Shilling Soomaaligan faalsada ah ayaa dowladdu sheegtay in laga keenay Koonfurta Waddanka Soomaaliyad iyadoo lagu soo qariyay fuustooyin iyo baabuurta qaada Xamuulka, si loogu khal-khal galiyo gacansiga Puntland.

Goobta lagu gubyay lacagta waxaa ku sugnaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda Puntland, Cabdullaahi Siciid Carshe Dhaqaaje, maas'uuliyiin kasocota bangiga dowladda iyo saraakiil kale.

Wasiir Dhaqaaje oo hadal kooban warbaahinta siiyay wuxuu tilmaamay in lacagtaas ay qabteen ciidamada amniga gaar ahaan kuwa jooga Kantaroolka Boosaaso, isagoo uga mahadceliyay shaqada ay sameeyeen.

Dhaqaaje ayaa xusay in dowladdu dedaal ku bixin doonto sidii ay uga hortagi lahaayeen shiling Soomaaliga lagasoo safrinayo gobollada kale ee lagu khal-khal galinayo ganacsiga.

Wuxuu  shacabka ugu baaqay inay dowladda ka ganacsiiyaan shaqada ku aadan sidii looga hortagi lahaa lacagaha been abuurka ah iyo kuwa lagu dhibaataynayo shacabka ee lasoo safrinayo.

Arrintan ayaa kusoo beegantahay xilli bishii hore la qabtay lacagtan oo lagusoo qariyay Fuustooyin afka lagasoo alxamay iyo jawaano, xilli ay taagnayd xiisadda ka dhalatay kala sooca shilling Soomaaliga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM