Puntland oo hadal ka soo saartey dagaalka Tukaraq

Image

GAROWE- Puntland ayaa war kasoo saartey dagaal saaka agagaarka Tuulada Tukaraq ku dhexmarey ciidamada Puntland iyo Somaliland kasoo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey in ciidamada Somaliland weerarka ku soo qaadeen Puntland saaka aroortii 5:30 am ciidmadeeda ku sugan aaga Tukaraq.

Maamulka Puntland ayaa sheegey in mas’uuliyada dagaalkaan iyo khadaaraha ka yimaada dusha u ridaneyso maamulka Somaliland.

Puntland ayaa ugu baaqdey shacabkeeda iney is-garab taagaan ciidamadooda difaaca ku jira.

Qoraalkaan kasoo baxay maamulka Puntland ayaan lagu sheegin khasaraaha ciidmada kasoo gaarey dagaalkaan la sheegey in maamulka Somaliland soo qaadey.

Maaqmulada Puntland iyo Somaliland ayaa saaka markale dagaal ku dhexmarey degaanka ku dhow Tuulada Tukaraq iyadoo la sheegayo in dhaawac iyo dhimasho uu sababey.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM