​Puntland oo ka hadashay dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Xukuumadda Puntland ayaa maanta ka hadashay dagaal beeleed labo maalin ka hor ka dhacay Koonfur Bari magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, kaasoo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray mallayshiyo beeleed kasoo jeeda labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Afhayeenka xukuumadda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Galkacyo, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhiigga qubanaya isagoo beelaha diriray ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan islamarkaana joojiyaan colaadda.

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ku howllantahay sidii loo joojin lahaa dirirta beelaha isagoo xusay inay ka shaqayn doonaan qaabkii gobolka Mudug nabad loogu wada noolaan lahaa.

Baaq nabadeed ayuu sheegay Afhayeenku in xukuumadda Puntland u dirayso maamulka Galmudug, waxgaradka iyo culimaa'uddiinka kaasoo ku aadan sidii loo hakin lahaa dagaalkan mudada soo noq-noqday.

Quraan jecel ayaa tilmaamay in dowladdu ku baaqayso qaabkii la isaga kaashan lahaa daminta dagaalka, isagoo tacsi u diray dhammaan intii ku waxyeelloowday isku dhaca beelaha islamarkaana ALLE uga bariday inuu caafimaadsho kuwa ku dhaawacmay.

Dhinaca kale, wuxuu afhayeenku sheegay in dowladda Puntland  baaq u dirayso bulshadeeda kaasoo ku aadan sidii dhaqso loogu gurman lahaa cusbitalka bur-buray ee Galkacyo, isagoo xusay in lala shaqeeyo guddiga gurmadka ee loo magacabay ee xaruntaasi caafimaad.

Wuxuu sidoo kale warbaahinta u akhriyay magacyada liis ka koobnaa 19 oo soo magacaabay madaxweyne ku-xigeenka Puntland kaasoo ku aadan dhismaha cusbitalka Galkacyo.

Waxaa xusid mudan inuu horay u jiray guddi kale oo uu magacaabay duqa degmada Galkacyo kaasoo uu sheegay inuu ka shaqayn doono gurmadka cusbitalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM