​Puntland oo ka hadashay dil ka dhacay Caabudwaaq

Image

GAROWE, Puntland- Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay dil xalay lagula kacay nabadoono ku sugnaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduuda, waxayna falkaasi ku tilmaamtay mid muujinaya sida maamulka Galmudug u raadinayo inuu colaad ka dhex abuuro shacab halkaasi ku nool.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xariirka gobaladda dawladda Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan oo shir jaraa’id warfidiyeenka ugu qabtay xarunta Warbaahinta dawladda ayaa cambaareeyay falkaasi, wuxuuna tacsi u diray ehelka ay kasoo jeedaan waxgaradka dhintay.

Gurxan, ayaa sheegay in dowladdu qof waalan u aragto ruux uu sheegay inuu ka hadlay degmada Caabudwaaq kasoo Puntland ku eedeeyay inay ka dambaysay dilka labada Nabadoon, wuxuuna tilmaamay inaysan u dul qaadan doonin laynta iyo farogalinta lagu hayo dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud gaar ahaan Caabudwaaq.

Wuxuu xusay inaysan raali ka noqon doonin islamarkaana faraha ka laaban doonin  dilalka bareerka ah ee lagu hayo, saraakiisha sare sare, waxgaradka iyo xubnaha muhiimka ah ee bulshada Caabudwaaq, isagoo intaasi raacshay inay go'aamo kasoo saari doonaan.

Wasiirka oo sii hadlay ayaa maamulka Galmudugu ku sifeeyay mid ku fashilmay siyaasadda isagoo dhacdada caabudwaaq ku macneeyay mid lagu doonayo xiisad laga dhex abuuro shicibka isagoo xusay inay u baahantahay jawaab deg deg ah oo tallaabadaasi laga bixiyo.

Waxgaradka iyo shacabka gobolkaas ayuu ku macneeyay kuwa garanay aayahooda siyaasaded, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda islamarkaana ka hortagaan cid kasta oo doonaysa inay khal khal ka dhex abuurto.

Hadalka ayaa imaanaya xilli uusan wanaagsanayn xiriirka ka dhaxeeya labada maamul ee dariska ah (Puntland iyo Galmudug), waxayna kusoo beegantahay iyadoo asbuucan dhexdiisa beelo kasoo jeeda labada dhinac ku dagallameen gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM