Puntland oo la tacaaleysa baahida biyo la'aanta ee xoolo dhaqatada

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa daah-furay Biyo xireen weyn oo laga hirgeliyey deegaanka Salaxley ee gobolka Nugaal, kaas oo qayb ka ah 10 Biyo xireen oo laga sameeyey gobolada Puntland.

Munaasabadda daah-furka biyo xireenkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama'diid, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Xasan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Cabdicaciis Nuur Cilmi Koor, xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi (Gujir), Nabadoono iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Karaash oo Biyo Xireenkan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ballaaran ee uu ku fadhiyo biyo qabatinku, waxaana u mahadceliyey cidwalba oo ka soo shaqaysay oo ay ugu horayso Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo sidoo kale Hay'adaha UNDP iyo GEF oo gacan ka geystey hirgalintiisa.

"Waa inoo furan yahay Biyo Xireenku, waana idiin mahadcelin, wixii aad ka sheekayseen ee ah ilaalintiisa, waa ka ballamaynaa, sida loo maamulayana Wasaaradda ayaa idiin sheegtay, biyo xireeno kalena waa ku soo kordhindoonnaa haddii Alle idmo". ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin qayb wayn oo kamida Nolosha, waxaana uu shacabka deegaanka Biyo Xireenkan laga hirgeliyey kula dar-daarmay inay ilaashadaan, isla markaana uu wax wayn ka tari doono baahida dhanka biyaha ah ee mar walba soo foodsaarta.

Biyo xireenkan oo laga hirgaliyay deegaaanka Sallaxley oo waxyar u jira magaalada Garoowe ayaa markiiba kaydin kara biyo dhan 120,000 oo foosto, waxaana uu qayb ka yahay 10 biyo xireen oo laga hirgaliyey gobolada Puntland mudooyinkii dambe, waana dadaal dowladdu ay kula tacaalayso in wax laga qabto baahida dhanka biyo la'aanta ee soo wajahda dadka xoolo dhaqatada ah ee abaaruhu saameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM