Puntland oo maalgashada caalamiga ah u balanqaadey daah-furnaan

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo gebagebeeyey safarkiisii gobolka Mudug ayaa safar shaqo maanta ugu ambabaxay dalka Shiinaha.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa ku dheraaday arrimaha muhiim ka ah ee uu daaran yahay socdaalka isaga iyo weftigiisa ee dalka Shiinaha, waxaana uu xusay in dalkaasi ay u tegidoonaan iskaashi ganacsi.

“Waxaan maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka China aniga iyo wefti Wasiiro ka kooban oo ila-socda, safarkaasi waa safar ka kooban sidii wax wadaqabsi noo dhexmarilahaa gobol kamida gobolada China ee dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kala faa'iidaysiga khibradaha ee dhismayaasha wershedaha iyo xoojinta xidhiidhka ganacsi ee naga dhexeeya."

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Putland.

"Waxaan rajaynaynaa mudadaas aan joogno inaan aragtiyo fiican kala soonoqondoono, Iyagana aan u sharixidoono fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Puntland ay leedahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in dalalka ka qayb-qaata koboceena dhaqaale inay yimaadaan dalkeena, iyagoo usoo maraaya sharciga iyo nidaamka dowliga ah, Dowladda Puntland waxay balanqaadaysaa dhankeeda inay fududayso waxkasta oo horumarka ka qayb-qaadanaya". Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa u beyaamiyey dalalka saaxiib ka dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee dhinacyada ganacsiga inay kasoo qayb galaan shirka maalgashiga Puntland oo dhowaan Puntland lagu qabandoono.

"Waxaanu Sidoo kale jecelnahay inaan ugu yeedhno iyaga iyo wadamadii hore aan u tagnayba shirka maalgashiga ee Puntland ka dhicidoona oo aan rabno khayraadka dihin ee dalkani leeyahay inay maalgashtaan, sida kalluumaysiga, macdanta, beeyada iyo waxyaabaha la xiriira wax soo-saarkeena". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweynuhu u balanqaaday maalgeshadata caalamiga ah daah-furnaan, wuxuuna meesha ka saarey in ay imaan doonan mad-madow keenay dib u dhac.

Shirka Maalgashiga Puntland ayaa lagu wadaa in bartamaha bishaan uu ka qabsoomo magaaladda Garowe, caasimada Puntland, waxaana lagu casuumay marti sharaf isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM