Puntland oo shaacisay goorta la bilaabayo dhismaha jidadka burburay

Image

GAROWE, Puntland – Wadooyin hal-bowle u ah isu socodka Garowe-Boosaaso iyo Garowe-Laascaanood si lamid ah Buundooyin ayaa kamid ah jidadka ku go'ay roobabkii ugu dambeeyay ee ka da'ay gobolada Puntland.

Xukuumadda oo si degdeg ah guddi ugu magacowday wax ka qabashada arrimahaasi iyo sidoo kale u gurmashada dadka uu roobku saameeyay ayaa shalay la shirtay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Intaasi waxaa wehlisa in mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa kormeeray qaar kamida goobaha ay waxyeeleeyeen daadadka roobka, iyaga oo qiimeyn kusoo sameeyay halka ay gaarsiisan tahay waxyeelada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeenta dowladda Puntland ayaa shaaciyey in dhismaha wadooyinkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabi doono markay ka baxaan biyaha iminka fadhiya.

"Waxaan sidaasi u yeelayno waxay tahay si aysan isku sii qabsan," ayuu raaciyey Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo muujiyey in dowladdu ka go’an tahay dib u dayactirka jidadkaasi.

Mr Dhabancad oo sii hadlaya ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorka dadweynaha ee ka qayb-qaadashada dhismaha wadooyinka iyo buunbuunyinka uu noqon doono mid aad u sareysa.

Ku dhowaad tobban ruux oo ay caruur ku jiraan ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyootay fatahaadyada roobabka oo noqonaya midkii ugu xooganaa uguna waqtiga dheeraa ee ka da'ay degaanada Puntland.

Boqolaal kale oo ku waayey hantidooda ayey xukuumaddu balanqaadey in ay ka caawin doonto sidii ay noloshooda u sii wadan lahaa ayna gaarsiin doonto gargaar, sidda ugu dhaqsiyaha badan.

"Sidii aan horeyba u sameyn jirnay waan u gargaari doonaa qoysaskaasi," ayuu yiri Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hay’addaha caalamiga ku tartarsiiyey in ay kaalintooda cayaaran.

In ka badan 17 waddo ayuu saameeyay roobabkii dhowaan ka da'ay degaanada Puntland, kuwaasoo qaarkood ay dhismahooda kaalin firfircoon ka qaateen dadweynaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM