Puntland oo soo dhawaysay ciidamo kasoo goostay Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland- Ciidamo katirsanaa maamulka Soomaaliland ayaa u soo goostay dhinaca Puntland, waxaana lagu soo dhaweeyay deegaanka Hadhwanaag ee gobolka Sool.

110 Askari oo kamid ahaa Guutada Gacan-libaax oo uu hogaaminayo Dhamme Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax) oo uu weheliyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Dhamme Cabdullaahi Cabdi Cali ayaa ka soo goostay maamulka Somaliland.

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland,Sareeye Guuto Siciid Axmed Maxammed (Shoodhe), Abaan-duulaha ciidanka Daraawiishta Gen.Siciid Maxamed Salaad (Goroya-cawl) iyo Guddoomiyaha gobolka Nugal ayaa ciidanka soo dhaweeyay iyagoo usoo bandhigay saxaafadda.

Sarkaalka hogaaminayay ciidanka soo goostay, Dhamme Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax), oo saxaafadda warbixin siiyay ayaa sheegay in markii hore iyagu sabab u ahaayeen in maamulkan uu yimaado gobolka Sool, hadana ay ballan qaadayaan inay ka saaraan.

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland,Sareeye Guuto Siciid Axmed Maxammed (Shoodhe), oo hadal kooban jeediyay ayaa hambalyo u direy ciidankan wuxuuna sheegay inay bogaadinayaan tallaabada ay qaadeen.

Ma aha markii ugu horeysay maleeshiyo beeleedyo kasoo jeeda gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn ay u kala goostaan labada maamul ee isku haya gobooadaan.

Soo gooshada Guutadan ayaa kusoo aaday xilli xiisad colaadeed ay ka taagantahay gobolka Sool, taasoo soo bilaabatay kadib markii maamulka Somaliland uu qabsaday degmada Tukaraq horaantii sannadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM