Puntland oo u diyaar garoobeysa dagaal ka dhan ah Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland - Gollaha Wasiiradda ee dowladda Puntland ayaa maanta yeeshay shir aan caadi ahayn, kaasi oo looga hadlay xaaladda gobolka Sool iyo dagaalkii 15-kii bishan ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Kulanka oo uu shir gudoomiyay Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa laga soo saarey markii uu soo idlaaday War Saxaafadeed lagu shaaciyay in Puntland ay u diyaar garoobeyso dagaal waqti dheer socon doono oo ka dhan ah Somaliland.

War Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay Shacabka inay ka qeyb-qaataan dagaal sida la sheegay lagu xureynayo deegaanada ka maqan Puntland, ee ku jira gacanta maamulka Somaliland.

Go'aanka kasoo baxay Gollaha Wasiiradda Puntland ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii xalay uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in maamulkiisa uusan duulaan ku ahayn Garoowe [Halkan ka akhri Warka].

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM