Puntland oo xiriirka u jartay DF, codsi ka dhan ahna u gudbisay caalamka

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay xiriirkii wadashaneyd ee kala dhaxeeyay xukuumada federaalka ah, sidda ku cad bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Garowe.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamida uu helay warsidaha GO ayaa si fahfaahsan waxa uu u sharaxayaa qodobadii soo dedejiyey burburka shirkii Garowe, kaasoo qabsoomay horaantii bishan.

Qodobadda dhaliyey in uu burburo kulankaasi ayaa isugu jiray; xukuumada oo diiday joojinta sharciyo aan laga talogelin maamualda oo ay iyadu diyaarisay, khilaafka Galmudug iyo nooca doorasho ee 2020/21.

Xeerarkaasi oo kala ah doorashooyinka iyo bartoolka ayaa qaabka loo diyaariyey wuxuu baalmarsan yahay dastuurka iyo nidaamka federaalka oo lagu eedeeyay xukuumada in ay kasoo horjeedo.

Intaasi waxaa wehlisay in hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ay isku fahmi waayeen qaabka loo qeybsanayo deeqaha laga helo caalamka, oo ay madaxda dalka isku kaliyeeshay qoondeynteeda.

Habadaba, dowlada Puntland ayaa kadib isu imaatinkaasi fashilka kusoo dhamaaday waxay ay qaadatay go’aanada hoos ku xusan.


In aysan aqoonsan doonin sharciyadda ay soo diyaarisay xukuumada federaalka ee hoos-u-dhigaya in dastuurka federaalka loo dhameystiro geedi u socod ku dhisan daah-furnaan, latashiga maamulada iyo hanaan loo dhan yahay.

In ay joojisay xiriirkii wadashaqeynd ee dowlada federaalka inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo arrimaha; dhameystirka dastuurka, doorashooyinka federaalka iyo amniga qaranka.

In ay soo saari doonto siyaasad cad oo ku wajahan dowlad goboleedyada dalka iyo beesha calaamka si loo maareeyo xaqiiqooyinka cusub ee siyaasadeed.

In ay ku baaqeyso in ay sii socdaan wadahadalka tooska ah ee u dhaxeeya dowlada federaalka iyo maamul goboleedyadda inta heshiis mideysan laga gaarayo.


Geesta kale, Puntland ayaa dowlada ku tartarsiisay xormeyso dastuurka, joojisana sharciyada ay u gudbineyso baarlamaanka iyo in ay wadahadal toos ah la yeelato dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Maamulada ayay cod dheer uga dalbatay in ay u midoobaan adkeynta cilaaqaadkooda, wadashaqeynta iyo diyaarinta nooca doorasho ee wadanka ka qabsoomeysa sanadka 2020/21.

Puntland ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in ay si dhow ula socdaan xaalada siyaasadeed ee dalka, in aysan aqoonsan sharciyada ay wado xukuumada iyo in ay xoojiyaan la xisaabtan Villa Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, talaabada ay qaaday Puntland ayaa kusoo aadeysa xili muddo sanad iyo bar oo u hartay Farmaajo ay kaliya kulmeen madaxda dowlada iyo maamualda hal jeer, taasoo ku ah dharbaaxo.

NUQUL KAMIDA BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM