Puntland: Qarax ka dhacay Magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Sarkaal katirsan ciidamada Booliiska Puntland, ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay qarax ka dhacay gudaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka uu helayo Garowe Online.

Qaraxan oo goor-dhaweyd ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu ku dhintay nin lagu magacaabo Cali Magafe, oo kamid ahaa ciidamada Booliiska.

Inkastoo aan wali loo xaqiijin Garowe Online, qaybta Booliis ee uu sarkaalkaas kamid ahaa, hadana wararka ayaa xusaya in markii hore dhaawac culus kasoo gaaray Miino lagu xiray baabuur kuwa raaxada ah oo mas'uulkaas watay.

Ciidamada Booliiska ayaa waxyar kadib markii weerarku dhacay gaaray goobta iyagoo sameeyay baaritaan aan wali faah faahin laga bixin.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda dilka sarkaalkaas oo qayb ka noqonaya mas'uuliyiin sidaan oo kale loogu dilay magaalada Galkacyo.

Sidoo kale dowladda Puntland dilkan war kamasoo saarin inkastoo la sheegay in taliska qaybta gobolka uu warbaahinta u yeeray.

Markii ugu dambaysay xildhibaan katirsan Barlamanka Puntland ayaa lagu dilay qarax noocaan oo kale ah sannadkan dhexdiisii.

Ururka Al Shabaab ayaa caan ku ah qur-gooyada caynkan ah, inkastoo magaalada Galkacyo muddooyinkii dambe ay ka jireen dilal aan la ogayn cida fulisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM