Puntland: ​Qarax lagu fashiliyay magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Qarax Jugtiisa laga maglay guud ahaan magaalada Bosaso ayaa galabta ka dhacay xarunta gobolka Bari, kaasoo la dhigay goob aad u mashquul badan oo inta badan lag raaco baabuurta loo yaqaano PL-ka ee inta badan dadweynuhu isticmaalaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku ka war heleen qaraxan oo lagusoo qariyay daasad ka hor intuusan iskiis u qarxin sida ay GO u sheegeen saraakiil xog ogaal ah.

Booliiska ayaa ku wargaliyay qaybta qaabilsan Miino baarista inay hubiyaan weelka lagusoo qariyay miinadan, waxaana ay u xaqiijiyeen inay tahay waxyaabaha qarxa.

Hubin kadib ciidamada Booliiska gobolka Bari ayaa ku guulaystay inay xiraan nawaaxiga aaga Qaraxa la dhigay iyagoo shacabka uga digay inay usoo  dhawaadaan.

Qaraxan ayaa dhacay Galabta goor gaaban, mana  jirto wax khasaaro ah uu dhaliyay.

Sarkaal katirsan ciidamada Booliiska oo la hadlayay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in ciidamadu dedaal dheer ku bixiyeen sidii looga hortagi lahaa khasaaro kooxaha dhagax qabayaasha ah la doonayeen shacabka Bosaso.

Arrintan ayaa timid xilli Madaxweyne Gaas ku suganyahay magaalada Bosaso.

Dhowr jeer oo hore qarax ay gaysteen kooxaha Daacish iyo Shabaab ayaa ka dhacay xarunta gobolka Bari.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay caawa, waxaana socda baaritaano xooggan.

Ilaa hadda lama oga cidda qaraxa dhigtay goobtaas, balse waxaa lagu tuhmayaa mintidiinta ku sugan gobolka Bari ee xiriirka la leh Daacish iyo Al Qacida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM