Puntland: Qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Qaraxyo is xigay ayaa goordhaweyd ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida Garowe Online u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay xaafad ka mid ah magaalada Boosaaso, halkaasoo sida la sheegay ay yaalleen waxyaabaha qarxa kadibna waxaa soo gaaray ciidamo katirsan kuwa Booliiska, kuwaasoo lala eegtay Qaraxa labaad.

Hal Askari ayaa ku dhintay weerarkaas, waxaana ku dhaawacmay mid kale sida uu warsidaha GO u sheegay qof kamid ah dadkii ka agdhawaa goobta weerarku ka dhacay.

Majirto faafin dheeraad ah oo kaso baxay weerarkan iyo qaabka uu u dhacay, balse waxaa dhacdadan ay timid xilli xalay la weeraray saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaas oo yimid xilli amniga xarunta ganacsiga Puntland uu yahay mid sii xumaanaya.

Ilaa hadda wax war ah dowladda Puntland kama soo saarin xaaladda cakiran ee magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM