Puntland: Roobkii Gu'ga oo ka da'ay Garoowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Roob qaboojin ah ayaa caawa fiidkii ka da'ay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, xilli maalmahan meelo kamid ah maamulkan uu ka curtay xilli Roobaadka Gu'ga oo kusoo beegmay xilli xaalad adag oo abaareed ay ka jirto qaybo kamid ah Puntland.

Abaare 09 caweysnimo xilliga Geeska Africa ayaa roobkan ka curtay magaalada Garoowe inkastoo Galabta uu ka da'ayay qaybo kamid ah gobolka Nugal.

Daruur fiican ayaa qabatay caasimadda oo maalmahan ahayd mid aad u kulul, waxaana qaar kamid ah shacabka oo la hadlay GO ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin Raxmadda ALLE oo ay tilmaameen inay kusoo aaday xilli Adag. Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada waxaa buux dhaafiyay Biyo.

Dhinaca kale warar ka imaanaya baadiyaha gobolka Nugaal iyo Tuulooyin hoos yimaada caasimadda Puntland, waxaa ka da'ay roobab fiican.

Xogta warkan iyo meelaha Roobabku qabteen waxaan idin la soo wadaagi doonaan wararkeen dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM