Puntland: Roobkii Gu'ga oo ka da'ay Garoowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Roob qaboojin ah ayaa caawa fiidkii ka da'ay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, xilli maalmahan meelo kamid ah maamulkan uu ka curtay xilli Roobaadka Gu'ga oo kusoo beegmay xilli xaalad adag oo abaareed ay ka jirto qaybo kamid ah Puntland.

Abaare 09 caweysnimo xilliga Geeska Africa ayaa roobkan ka curtay magaalada Garoowe inkastoo Galabta uu ka da'ayay qaybo kamid ah gobolka Nugal.

Daruur fiican ayaa qabatay caasimadda oo maalmahan ahayd mid aad u kulul, waxaana qaar kamid ah shacabka oo la hadlay GO ay sheegeen inay ku faraxsanyihiin Raxmadda ALLE oo ay tilmaameen inay kusoo aaday xilli Adag. Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada waxaa buux dhaafiyay Biyo.

Dhinaca kale warar ka imaanaya baadiyaha gobolka Nugaal iyo Tuulooyin hoos yimaada caasimadda Puntland, waxaa ka da'ay roobab fiican.

Xogta warkan iyo meelaha Roobabku qabteen waxaan idin la soo wadaagi doonaan wararkeen dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM