​Puntland "Shaqo abuur ayaa laga helay gaadiidka la baarayo"

Image

GALKACYO, Puntland- Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ka hadashay tallaabada lagu baarayo gaadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia ee xamuulka uy sida deegaanada Puntland, waxaana la sheegay inuu faa'iido usoo kordhiyay shacabka Somaliyeed.

Afhayeenka xukuumadda Cabdullaahi Maxamed Jamac Quraan Jecel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu si habsami leh u socod amarkii lagu sugayay ammaanka isagoo xusay inuu faa'iido weyn usoo kordhiyay bulshada.

Quraan Jecel ayaa tilmaamay in kala wareejinta xamuulka iyo baarista alaabta ay sidaan shaqo abuur uga soo baxay shacabka Somaliyeed ee gobolka ku dhaqan.

Wuxuu carrabka ku dhuftay in wax weyn ka badalay dhinaca ammaanka isagoo xusay in lagu ogaan karo qorshahaasi inta baabuur ee katimaada Koonfurta dalka iyo dadka ay sidaan tiradooda.

Laamaha ammaanka ayuu sheegay inay si wanaagsan u gudanayaan waajibaadka la faray.

Tallaabadan ayuu Afhayeenku tilmaamay inay meesha ka saarayso jaaniska cadowgu ku heli karaan fursado ay qorshayaashooda ku fuliyaan.

Hadalkan ayaa imaanay xilli ganacsatadu u aragto caqab xoog leh tallaabada lagu kala wareejinayo gaadiidka islamarkaana lagu hubinayo badeecooyinka ay sidaan.

GAROWEONLIN

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM