​Puntland: Tababar loo qabtay Shaqaale la qaatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta xarunta wasaaradda Shaqada Shaqaalaha dhalinyarada iyo cayaaraha Puntland ka dhacay tababar loo qabtay 18 ruux oo kamid ah dufcaddii saddexaad oo kamid ah shaqaale loo qaato mashruuca tayaynta shaqaalaha dowaldda ee uu taageerayo Bangiga Adduunka.

18 ruux ayaa loo qaatay waaxyada Iibka iyo Maaliyadda, waxaana tababarkan oo socon doona lix casho kasoo qayb galay madaxda wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, shaqaalaha dowladda ee ay xubnaha cusub la shaqayn doonaan iyo mas'uuliyiin kasocota Bangiga Adduunka.

Inta uu socdo aqoon isweydaarsigan ayaa shaqaalaha la qaatay la bari doonaa waxyaabo kasaacidaya howlaha ay qaban doonaan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha Jibriil Maxamed Saalax ayaa sheegay in dadkan la qaatay looga baahanyahay faa'iido ay kusoo kordhiyaan dowladda isagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Maxamed Dalxa oo kasocday Bangiga Adduunka oo ka hadlayay tababarkan ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horraysay ee la qabto aqoon isweydaarsi caynkan ah, wuxuuna sheegay inay ka go'antahay sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dowladda.

Hadda kahor ayay ahayd markii latababaray 9 xubnoo oo kamid ahaa shaqaale lagu qaatay nidaamka tayaynta shaqaalaha dowladda ee lagu qaadan doono 60 boos oo horraantii sannadkan la xayaysiiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM