Puntland: Tukaraq oo qarka u saaran in Dagaal ka qarxo markale

Image

GAROWE- Degaanka ku wareegaan Tuulada Tukaraq halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan iney ka jirto khatar ah in dagaal markale ka dhaco.

Wararka laga heleyo qaar ka tirsan sarakiisha ciidamada ku sugan jiida hore ayaa u sheegay Garowe Online in shaley galab labada dhinac is waydaarsdeen rasaasta ka dhacda qoryaha waaweyn taasoo aan la sheegeen khasare ay gaysteen.

Cabsida dagaalkaan ayaa imaaneysa xilli Puntland iyo Somaliland soo saareen digniino  ay u jeedinayaan shacabka labada maamul degan kuwasoo ku aadaanaa xaalada amni.

Gudoomiyaha aqalka wakiilada Somaliland Baashe Maxamad Farax ayaa qoraal uu kasoo saarey magalada Hargeysa maalintii shaley kaga hadlay xaalada gobolka Sool isagoo digniino u gudbiyey shacabka ku nool magalada Laaascaano kuwasoo loo sheegey ineysan qaban karin shirar ku aadan xaalada Tuulada Tukaraq.

Warar GO helayo ayaa sheegaya in xubnaha maamulka Hargeysa kaga jira gobolka Sool ku kala qaybsameen talaabada laga qaadayo odayaal maalmihii lasoo dhaafey ka hadlayey magalada Laascaano kuwasoo taageerey dagaalka Tukaraq.

Dagaal bishaan horaanteedii ugu dhexmarey labadaan maamul  Tuulada Tukaraq ayaa waxaa uu sababey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh halka ay saxaafada u soo bandhigeen hub Tekninko ah ay kala qabsadeen.

Magalaada Laaacaano ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan iney soo buux dhaafiyeen Dad kasoo guurey magalada Hargeysa kuwasoo ka soo jeeda degaanada Sool iyo Cayn 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM