Puntland: Wariye lagu xiray Boosaaso

Image

BOSAASO, Puntland- Ciidamada ammaanka gobolka Bari ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Cumar Maxamed Siciid (Cumar Dheere) oo kamid ah saxafiyiinta ka howlgala Puntland.

Wariyahan ayaa la xiray isagoo ku sugan Garoonka diyaaradaha Boosaaso isago sida la sheegay u tagay shaqo.

Lama oga sababta loo Xiray Cumar Dheere oo muddooyinkii dambe is-maandhaaf kala dhaxeeyay xukuumadda Madaxweyne Gaas hogaamiyo.

Warar ayaa sheegaya in Suxufigan uu u xiranyahay Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yusuf Maxamed Wacays (Dhado).

Dowladdu kama hadlin xariga Cumar Dheere, balse Guddoomiyaha gobolka Bari oo lagu eedaynayo inuu Xabisay Wariyahan ayaa iska fogeeyay arrintaas.

Dhedo ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay in Cumar Dheere lagu xiray Waaran Maxkamadeed oo dowladdu soo dacweysay.

Maaha markii ugu horaysay ee Cumar Dheere Xabsi la galiyo Sannadkan 2017 iyadoo bishii August lagu xiray Garoowe inkastoo Maxkamadda Darajada koowaad ay kusii daysay dammaanad Lix bari kadib iyadoo aan Maxkamad lasoo taagin.

Xariga iyo sii daynta noocaan ah ayaa muddooyinkii dambe caado ka noqotay Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM