​Puntland: Wasiir Taageeray Dhiibista Qalbi Dhagax oo xilka laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweyne Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa xilkii looga qaaday Wasiir dowlahii Madaxtooyada ee Xiriirka Gobollada Puntland, Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.

Xilka qaadistan ayaa timid kadib markii wasiirkan uu warbaahinta ka sheegay [Halkan ka akhri] inuu taageersanyahay tallaabada dowladda Soomaaliya ku wareejisay sarkaal katirsan ONLF oo lagu magacaabo Qalbi Dhagax.

Gurxan ayaa tilmaamay in isagoo ku hadlaya aragtidiisa iyo midda xukuumadda go’aanka DFS uu ka turjumayo maslaxadda gobolka iyo tan shacabka intaba.

Hadalkaas ayaa keenay in wareegto maanta kasoo baxday Madaxtooyada gaar ahaan Madaxweyne ku-xigeenka shaqadii looga Cayriyo wasiirkaas oo lagu eedeeyay in uu ku kacay hab dhaqan liddi ku ah dowladnimada.

Camey ayaa xilka qaadistiisa sidoo kale u cuskaday in wasiirkan uu muujiyay mas’uuliyad darro, kaliftay inuu waayo shaqadiisa.

Warar warsidaha Garowe Online ka helayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas uu aad uga carooday hadalka Wasiirkaas uu ka sheegay warbaahinta islamarkaana ku-xigeenkiisa uu soo amray inuu xilka ka qaado.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa dhawaan safar kaga yimid magaalada Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM