​Puntland: Wasiirka Caafimaadka oo shir u jooga Pakistan

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wafdi kasocda Wasaaradaha Caafimaadka dawladda federalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, ayaa ku sugan dalka Pakistan halkaasoo lagu qabanayo shir looga hadlayo caafimaadka iyo qaabkii loo hormarin lahaa wasaaradaha.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid waddamada ku midaysan EMRO, waxaana mudadii uu socday diiradda lagu saaray qodobo ay kamid ahaayeen;

1. Isuduwidda dhaqaalaha, shirarka caafimaadka  (coordination)

2. Kordhinta awoodda shaqaalaha Wasaaradaha,

3. Xaaladaha deg-degga ah

4. Isbitaallada (secondary care)

5. Takhsusaadka ( GP doctors trainig)

6. xirfado kooban, sida (section) 

7.  Xoojinta ilaalinta  Cudurrada (surceillance).

Dhinaca kale waxaa shir wada qaatay Agaasimaha Guud ee WHO Dr Todros, Wasiirka Caafimaadka Pakista iyo wafdiga ka socday Soomaaliya.

Waxay kawada hadlayeen arrimahan iyo sida wax looga qaban doono, waxaana la sheegay inay isku af-garteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM