​Puntland: Wasiirka warfaafinta oo is-casilay

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocadde, ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay jagadaasi, wuxuuna ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixyo arrinta keentay banneenta booskaas uu mudada hayay.

Soocadde, ayaa xusay in istiqaaladani ku timid waxyaabo gaar u ah, isagoo meesha ka saaray inay jiraan khilaafaad u dhaxeeya isaga, madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Wuxuu sheegay inuu Cabdiwali Gaas, u gudbiyay war-qadda shaqo tagista taasoo uga aqbalay si sharaf leh sida uu hadalka u dhigay.

Arrintan, ayaa timid xilli la filayo in Madaxweynaha Puntland isku shaan-dhayn ku sameeyo golihiisa wasiirrada taasoo mas'uuliyiin badan farta wadanaha ku hayaan, halka warar kale sheegayaa in xubno badan oo kamid ah golaha wasiirrada raadinayaa kuraasta Barlamanka Somalia.

Soocadde, ayaa labo xil oo kala duwan soo qabtay mudadii uu madaxweynaha ahaa Cabdiwali Cali Gaas, kuwaasoo kala ahaa xilka maanta uu iska casilay iyo mid uu kasoo qabtay wasaaradda Ganacsiga.

Tan iyo markii uu noqday wasiirka warfaafinta, waxaa cirka isku shareertay khilaafka kala dhaxeeyay bahda warbaahinta, waxaana sannadkan gudahiisa ku hanjabay inuu dili doono warbaahinta kadib markii loo hogaansami wayaya amar uu soo saaray oo ahaa inaan wararkooda la baahin siyaasiyiin dhaliilsanaa xukuumadda Gaas, taasoo dhalisay dood badan oo gaartay ilaa madaxweynaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM