​Puntland: Weerar ka dhacay gobolka Bari

Image

BOSASO, Puntland- Wararka laga helayo deegaanka Balli Khadar ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in gaari ka tagay magaalada Bosaso ay jidka u galeen mallayshiyaad hubaysan oo katirsan kooxda Al Shabaab, waxana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Gaarigan oo noociisa lagu sheegay Iska rogo islamarkaana siday Saad Ciidan, kuna sii jeeday Galgala ayaa lagusoo waramayaa in la weeraray iyadoo ay la socdaan ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Weerarkan oo mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al Shabaab, waxaa lagu dilay 4 qof oo saddex kamid ah ay ahaayeen Askari halka ruuxa kale ahaa qof Dumar ah.

Maydka dadkaas ayaa la geeyay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarka ayaa dhacay galinkii dambe maanta, waxaana kooxda Al Shabaab qoraal ay baahisay baraha taageera ay ku sheegeen inay dagaal ku qaadeen gaari ay leeyihiin ciidamada Puntland oo ay dileen Afar Askari oo sida ay sheegteen ku jiro Sarkaal ay magaciisa kusoo koobeen Abshir Dheere.

Balse Saraakiil katirsan laamaha amniga Puntland oo la hadlay GO ayaa tilmaamay in gaarigaas ay saarnaayeen 7 qof islamarkaana dagaalku qabsaday xilli uu marayay nawaaxiga Balli Khadar. Goobtaas waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland.

Inta badan waddooyinka gala furinta dagaalka ee Galgala ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waxaa ka gaysta kooxda Al Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ciidamo katirsan Puntland, ayaa miinooyin loo dhigay, waxayna ahayd dhawaan markii Askar dhowr ah lagu dilay Qarax.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM