​Puntland: Xafladda Wareejinta Dekedda Boosaaso oo socota

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Munaasabad lagu wareejinayo dekedda Boosaso ayaa hadda ka socota magaalada ganacsiga ee xarunta u ah gobolka Bari magaalo madaxda ganacsiga Puntland.

Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo dekedda ayaa sheegaya in munaasabadda wareejinta ay goob joog ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland iyo shirkadda maamuli doonta dekedda ee P&O Port.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana sidoo kale si caadiya u shaqaynaysa dekedda iyadoo munaasabadda lagu qabanayo qaybta Negfish.

Sidoo kale waxaa hoolka xafladda jooga nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Muddo soddon sano ah ayaa P&O Port maamuli doontaa Dekedda Boosaaso iyadoo ku samayn doonta Ballaarin, Dib u casriyayn islamarkaana la jaanqaad siin doonta dekedda caalamiga ah.

Hadda waxaa ganacsato ka cabanayaan in dekedda aysan kusoo xiran karin Maraakiib waaweyn sababo ay ku sheegeen in ciid soo buuxisay xeebta iyo goobihi ay istaagi jireen gaadiid badeedka shixnadda halka aysan gabi ahaanba badeecada ku jirta Container aysan imaan karin Puntland taasoo ganacsatada u isticaamaasho dekada magalaada Berbera.

Heshiiskan oo uu qalinka ku duugay Madaxweyne Gaas sannadkan dhexdiisa ayaa ku kacaya Adduun lacageed oo gaaraya 336 Milyan oo doollar.

Goor sii horaysay Wareejinta dekedda Boosaaso Madaxweyne Gaas ayaa ku tilmaamay guul usoo hoyatay shacabka Puntland isagoo ugu baaqay inay soo dhaweyaan fursaddan dahabiga ah ee ka qayb qaadanaysa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dekada Berbera ayaa waxaa sidoo kale maamulka doonta shirkada DP world halka dekada magalaada Muqdishu ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Faah faahinta warkaas dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa Haddii ALLE idmo

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM