​Puntland: Xildhibaano gole deegaanka oo xasaanad lagala noqday

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa go'aan ka gaartay khilaaf muddo ka dhex taagnaa golaha deegaanka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa xasaanaddii lagala noqday Shan Xildhibaan iyadoo la faray in lasoo xulo  kuwo badalay.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii dhawaan Burtinle ay tageen wafdi uu hogaaminayo wasiir Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor.

Guddoomiyaha degmada Burtinle, Maxamed Maxamud Buur-dib, oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in raggan xasaanadooda ku waayeen kadib markii ay ku kaceen tallaabooyin kasoo horjeeda xeer hoosaadka golaha deegaanka degmadaasi iyo sharciga dalka u yaalla.

Wuxuu sheegay inay carqaladeeyeen hormarkii ka socday Burtinle. Halkan ka dhagayso

Buur-dibi, ayaa xasaanad qaadista Xildhibaanada sheegay in loo maray wadiiqo dheer oo sax ah, isagoo xusay in golaha deegaanku cod u qaadeen kalsooni kala noqoshada raggan.

Dhinaca kale, waxaa tallaabadan ku gacan saaray Xildhibaanada kala ah shanta ee laga saaray golaha deegaanka degmada Burtinle, waxayna ku doodeen inaan loo marin sifo sharci ah islamarkaana xeerka golayaasha deegaanka Puntland ku qornayn in xasaanadda looga qaadi karo digreeto wasaaradeed. Halkan ka dhagayso

Tallaabadan ayaa timid xilli muddo dheer khilaaf ka dhex taagnaa maamulka iyo golaha deegaanka degmada Burtinle, waxaana wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka gobolku awoodi waayeen inay xal ka gaaraan murankaasi.

04 October, 2015 ayay ahayd markii la doortay Guddoomiyaha haatan xilka haya, iyadoo xusid mudantahay in dhismaha golahaasi ka hor khilaaf jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM