Puntland: Xilldhibaano ka hadlay mudda kororsiga Xukuumadda [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Iyadoo mudooyinkii dambe ay sii xoogeysanayeen wararka ku saabsan in maamulka Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] uu ku fekerayo inuu dhameysto mudado kororsi ayaa waaa ka hadlay Xilldhibaanada Aqalka Wakiilada.

Xilldhibaanadaan oo wariyaasha uwaramay kadib furitaankii Kaldhiga 41aad ee Golaha Sharci Dejinta ee Puntland, ayaa fekerado kala duwan ka dhiibtay wararkaan leysla dhexmarayo.

Qaar kamid ah Xilldhibaanada waxay cod dheer ku sheegay inaanu jiri doonin mudo korosi ay sameysato Xukuumadda hadda taladda haysay, islamarkaana doorashada dhici doonta waqti loo mudeeyay.

Mudanayaal kale, ayaa waxay dhankooda sheegeen in aysan ka dhici doonin Puntland wax doorasho ah, iyagoona qiil uga dhigay xaaladda hadda ku jiro maamulka ah oo ah dagaalo.

"Inaga waxaan waxaan nahay hay'addo dowladeed kuma shaqeynayo wararka Fadhi ku diri-yadda laga sheego, doorashadda waqtigeeda ayey ku dhaceysaa," mid kamid ah Xilldhibaanada ayaa sidaas yiri.

Hadalka Xilldhibaanada ayaa wuxuu kusoo beegmayaa maalin un kadib markii Madasha Puntland Focous Group oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo Murashixiin ay ka digeen dib udhac ama modo kororsi.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] kuma uusan soo hadal-qaadin Khudbadii uu maanta ka jeediyay furitaankii Kalfadhiga 41aad ee Aqalka Wakiilada Puntland oo maanta dhacday, wararkaan leysla dhexmaray.

Doorashadda maamulka Puntland oo sanadkaan ka xiiso iyo xamaasad badan sanadihii hore ayaa waxaa loo madalsan yahay qabsoonto bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2019-ka.

DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM