Puntland: Xilldhibaano ka hadlay mudda kororsiga Xukuumadda [DAAWO]

Image

GAROOWE, Puntland - Iyadoo mudooyinkii dambe ay sii xoogeysanayeen wararka ku saabsan in maamulka Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] uu ku fekerayo inuu dhameysto mudado kororsi ayaa waaa ka hadlay Xilldhibaanada Aqalka Wakiilada.

Xilldhibaanadaan oo wariyaasha uwaramay kadib furitaankii Kaldhiga 41aad ee Golaha Sharci Dejinta ee Puntland, ayaa fekerado kala duwan ka dhiibtay wararkaan leysla dhexmarayo.

Qaar kamid ah Xilldhibaanada waxay cod dheer ku sheegay inaanu jiri doonin mudo korosi ay sameysato Xukuumadda hadda taladda haysay, islamarkaana doorashada dhici doonta waqti loo mudeeyay.

Mudanayaal kale, ayaa waxay dhankooda sheegeen in aysan ka dhici doonin Puntland wax doorasho ah, iyagoona qiil uga dhigay xaaladda hadda ku jiro maamulka ah oo ah dagaalo.

"Inaga waxaan waxaan nahay hay'addo dowladeed kuma shaqeynayo wararka Fadhi ku diri-yadda laga sheego, doorashadda waqtigeeda ayey ku dhaceysaa," mid kamid ah Xilldhibaanada ayaa sidaas yiri.

Hadalka Xilldhibaanada ayaa wuxuu kusoo beegmayaa maalin un kadib markii Madasha Puntland Focous Group oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiin iyo Murashixiin ay ka digeen dib udhac ama modo kororsi.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] kuma uusan soo hadal-qaadin Khudbadii uu maanta ka jeediyay furitaankii Kalfadhiga 41aad ee Aqalka Wakiilada Puntland oo maanta dhacday, wararkaan leysla dhexmaray.

Doorashadda maamulka Puntland oo sanadkaan ka xiiso iyo xamaasad badan sanadihii hore ayaa waxaa loo madalsan yahay qabsoonto bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2019-ka.

DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM