Puntland: Xoghaye cusub oo loo magacaabay Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyoo horumarinta reer miyiga Puntland Eng Cabdullaahi Cali Xirsi [Tima-cadde] ayaa Xoghaye cusub u magacaabay dowladda hoose degmada Garowe.

Wasiirka ayaa Xoghayaha dowladda hoose ee Garowe u magacaabay Maxamuud Cali Xasan, kadib markii dhawaan xilkaasi laga qaaday Cabdiqafaar Cabdiraxmaan isagoo mudo labo sano ah xafiiska joogay.

Magacaabista Xoghayaha cusub ee Garowe waxaa lagu wargeliyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas", Gudoomiyaha maamulka gobolka Nugaal iyo duqa degmada.

Mudane Maxamuud Cali Xasan ayaa soo noqday ku xigeenka gudoomiyaha Hay'adda wadooyinka Puntland [PHA], waxaana uu bedelayaa Cabdiqafaar oo dhawaan xilka laga qaaday.

Hoos ka akhriso Warqada magacaabista:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM