​Puntland: Xubno katirsan Shabaab oo la maxkamadeeyay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, ayaa soo gabagabaysay xukunka xubno katirsan Al Shabaab oo lagusoo qab-qabtay dagaallo ay la galeen ciidamada, kadib markii horaantii sannadkan kasoo dageen xeebaha Puntland.

Makamaddaynta shakhsiyaadka la qabtay oo ka koobnaa 98 ruux ayaa maxkamadayntooda la kala qaaday dhowr jeer, waxaana 43 saddex kamid ah lagu xukumay dil toogasho ah.

Raggaasi ayaa kamid ahaa xubnihii waaweynaa ee lagu helay faldambiyeed la xiriira Argagixisanimo iyo inay dagaal ka fool ka fool ah la galeen ciidamada Puntland.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xubnihii intaas kasoo haray kiiskooda qaaday saddex jeer, waxayna ku kala xukuntay Ciqaabo kala duwan.

15 kamid ah xubnahaasi ayaa lagu xukumay 20 sano, halka 13 kale lagu riday xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay 15 sano.

Xubnahaas ayaa la sheegay inay da'a ahaan jiraan inta u dhaxasay 15-18 sano, waxaana maxkamaddu tilmaamtay inaysan gaarin waqtiga Qaan-gaarka oo lagu qaadi karo ciqaab intaas ka badan.

Waxaa sidoo kale dhaqan celin lagu xukumay 26 kamid ah xubnihii lasoo qabtay , kuwaasoo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Nugaal sheegtay inay yihii carruur da'doodu u dhaxayso 10-15 sano.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland Cabdikariim Xasan Firdiye ayaa warbaahinta u xaqiijiayay in makamaddu soo afarmeertay maxkamaddaynta raggii katirsanaa Al Shabaab ee ku xirnaa xabsiga weyn ee degmada Garowe, gobolka Nugal.

Maxkamaddaynta shakhsiyaadkii lagusoo qab-qabtay dagalladii ciidamada Puntland la galeen Al Shabaab ayaa kusoo beegantay xilli kooxdaasi dilal iyo weeraro ka gaysteen degmada Galkacyo ee gobolka Nugal, waxaana xusid mudan in xubnaha toogashada lagu xukumay aan wali lagu fulin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM