​Puntland: Xukuumadda oo ansixisay xeerka saxaafadda

Image

GAROWE, Puntland- Shirka golaha wasiirrada Puntland oo shir guddoominayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa looga dooday arrimo kala duwan oo ay ku jiraan xaaladda ammaanka, ansixinta xeerarka Saxaafadda, xaquuqda Carruurta iyo Biyaha.

Kulankan khamiislaha ah oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa xukuumaddu kusoo hadal qaaday howlgallada kasocda magaalada Garowe iyagoo shacabka ugu baaqay in laamaha ammaanka lagu taageero sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa waxay ugu yeereen qaswadayaal.

Dhinaca kale waxaa lagusoo hadal qaaday tiro koob goluhu sheegay in xukuumadda Somaliland ka wado gobollada Sool iyagoo uga digay cawaaqib xumo arrintaasi ka dhalata taasoo ay sheegeen in mas'uuliyaddeeda qaadan doonto xukuumadda Hargaysa, waxayna dowladda Federalka Somalia iyo waddamada dariska ah u sheegeen inay la socdaan xaalkaasi.

Golaha xukuumadda ayaa sidoo kale shirkooda ku ansixiyay xeerka saxaafadda Puntland kaasoo la sheegay in lagu sameeyay wax kabadal waxaana lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay kulankaasi inuu xeerkan noqon doono mid qeexa xuquuqda wariyaha islamarkaana horseed u noqonayo wadashaqayn dhexmarta dowladda iyo warbaahinta madax bannaan.

Xeerkan ayaa la ansixiyay kadib markii dhawaan kulan dhexmaray warbaahinta iyo madaxweyne Gaas, waxaana guddi loo saaray inay soo eegaan qaar kamid ah qodobo cabasho ka taagnayd muddo.

Xeerarka xuquuqda Carruurta iyo Biyaha ayaa shirkaasi lagu ansixiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM