Puntland: Yaasin Cabdi Seed oo ka tanaasulay xubinta Aqalka Sare

Image

GAROWE, Puntland- Yaasiin Cabdi Seed oo ahaa murashax u taagnaa inuu kamid noqdo xubnaha Puntland u matalaya Aqalka Sare ee Barlamanka Federalka Somalia, ayaa maanta shaaciyay inuu booskaasi ka tanaasulay.

Seed oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay in xubintaas u daayay Murashaxa kale ee kula tartamaysay Saynab Xaashi Biixi.

Wuxuu qiray inuu jiro cadaadis dhinaca qoondada dumarka ah oo soo foodsaaray madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas, isagoo sheegay in qorshahan yahay mid isaga ka yimid.

Xukuumadda Puntland ayuu ku ammaanay sidii ay kalsoonida u siisay isagoo ballanqaaday inuu ka shaqayn doono maslaxadda Somalia, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inuu taageeri doono xubnaha dumarka ah ee kusoo baxa doorashada Aqalka Sare.

Yaasin Cabdi Seed, ayaa dhinaca kale ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, wuxuuna ku baaqay in deg deg loo joojiyo islamarkaana loo istaago qaabkii loo qaboojin lahaa xiisadda taagan.

12 October, 2016 ayaa warsidaha Garowe Online daabacay in madaxweyne Gaas dib ugu noqon doono Liiskii Aqalka Sare ee dhawaan soo magacaabay.

Murashaxa tanaasulay ayaa kamid ahaa Barlamanka Waqtigiisu dhammaaday ee dowladda Federalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM